Isimada dowladda Puntland oo maanta Garoowe shir jaraaid ku qabtay aayaa waxa ay sheegeen in gabi ahaanba ay lawareegen hanaanka maamul ee doorasha
Isimada dowladda Puntland oo maanta Garoowe shir jaraaid ku qabtay aayaa waxa ay sheegeen in gabi ahaanba ay lawareegen hanaanka maamul ee doorashada Puntland 2019 .
Isimada ayaa sheegay in ay la kulmeen dowladda Puntland iyo Musharaxiinta ,ayna kala hadleen arimaha doorashada Puntland ku soo wajahan .
Musharaxiinta utaagan doorashada ayaa maalmihii udambeeyay tabasho ka muujinayay xukuumada talada haatan haysa, iyagoona shaki galiyay kal soonida lagu qabi karo Guddigii uu magacaabay Madaxweynha Puntland C/Wali Gaas .
Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ah Afhayeenka Isimada Puntland ayaa Radio Daljir u sheegay in Isimada ay iska soo xuleen guddi gaar ah oo doorashada la socon doona inta laga dooranayo madaxweynaha cusub.
Dhegayso.
COMMENTS