Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Dib-u-dhiska Ka Socda Xarunta Murtida Iyo Wacyi-gelinta

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Dib-u-dhiska Ka Socda Xarunta Murtida Iyo Wacyi-gelinta

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khaye, ayaa maanta kormeeray xarunta Murtida iyo Wacyi-gelinta oo uu ka socodo ololaha Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud, goobaha taariikhiga ah iyo wadooyinka.

Ra’iisul wasaare Xasan cali Khayre oo u kuur galay hannaanka uu u socdo guud ahaan ololaha is-xilqaan, gaar ahaan dib-u-dhiska xarunta murtida iyo wacyi-gelinta qaranka oo shaqaalaha dawladdu ay si kaltan ah ay dhismihiisa uga qayb qaataan, ayaa xog waraystay maareeyaha xarunta murtida iyo wacyi-gelinta, Abwaan Cabdullaahi Cusmaan Guure.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee looga hadlo qorshaha cafinta daymaha kaas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda ayaa ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan si loo dar-dar geliyo qorshaha cafinta daymaha Soomaaliya

Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com