HomeUncategorized

Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xaaladda Qaxootiga Kenya

Talaado, Abriil 14, 2015 (Daljir) —QM ayaa sheegtay inay qorsheynayaan sidii ay Dowlada Kenya ugala gali lahaayeen wada-xaajood la xiriira Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xerooyinka Dhadhaab.

Madaxda sare ee dawladda Puntland oo kulan la yeeshay waxgaradka gobolka Mudug, kalana tashaday dhismaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka. [Akhris …]
Caawa iyo Daljir, Axad Feb 10-2013, Cabdifataax Cumar Geeddi ‘ (Hargeysa)
Muqdisho oo maanta ay ka dhoofeen 125 arday oo ka mid ah kuwii helay deeqdii waxbarasho ee Turkiga.

Talaado, Abriil 14, 2015 (Daljir) —QM ayaa sheegtay inay qorsheynayaan sidii ay Dowlada Kenya ugala gali lahaayeen wada-xaajood la xiriira Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xerooyinka Dhadhaab.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii uu Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, Willaim Rutto uu amar ku siiyey Hay’adda UNHCR inay muddo saddex bilood gudaheeda dib ugu celiyaan Qaxootiga Soomaalida gudaha dalkooda hooyo.

Afhayeenka UNHCR ee Kenya, Emmanuel Nayabera ayaa horey u sheegay inay Warbaahinta ka maqleen amarka William Rutto, isla markaana aysan helin qoraal rasmi ah oo ku saabsan arrintaasi.

Afhayeenka waxa uu rajo ka muujiyey wada-xaajoodka cusub ee ay la gelayaan Dowladda Kenya, isagoo xusay inay gaari doonaan wax u ugu yeeray Xal Saaxiibtinimo (An friendly solution).

Dhinaca kale, Afhayeenka Xafiiska UNHCR ee Kenya waxa uu xusay inaysan QM haynin caddaymo muujinaya inay Xeradda Qaxootiga Dhadhaab loo adeegsado xero lagu tababaro waxa loogu yeero Argagixisadda.

Xeradda Dhadhaab waxa ku nool ku-dhawaad nus malyan qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo ka soo cararay dagaalladdii ka dhacay Somalia tan iyo sannadkii 1991-kii.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: