Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo xarigga ka jaray Garoon laga dhisay Garoowe

Talaado, Abriil 14, 2015 (Daljir) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa magaalada Garowe xarigga kaga jaray garoon cusub oo loogu tala-galay in lagu ciyaaro qaybaha kala duwan ee Isboortiska ka dib munaasabad lagu qabtay gudaha garoonkan oo shalay galinkii danbe la furay.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Axmed Cabdulle, agaasimaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Axmed Tigaana, gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdullahi Axmed Aadan ,bahda isboortiska iyo qaar kamid ah dadweynaha Garowe ayaa ka soo qayb-galay munaasabaddii furitaanka.

”Garoonkan waa kii seddexaad oo aan Puntland ka hirgalinno, waxaana ugu talo-galnay inay ku hormarinno ciyaaraha Puntland,“ ayuu yiri C/llaahi Sheekh oo ah milkiilaha garoonkan cusub ,isla markaana ah ganacsade laga yaqaan gudaha Puntland.

“Waxaan ku dadaalaynaa sidii aan horumar ugu soo kordhin lahaa gobolka, waxaana ii qorshaysan in magaalo kasta aan ka furo xarumo sida tan oo kale u ballaaran,“ ayuu mar kale yiri Cabdulaahi Sheekh oo la hadlayay dadweynahii ka soo qayb-galay xafladda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu baaqay ganacsatada kale in ay ku daydaan C/llaahi Sheekh, isla markaana ay maal-gashadaan Soomaaliya intii lacagtooda ay meelo kale galin lahaayeen.

“Horumar in la gaarsiiyo waxaa u baahan halka aad ku nooshihiin, waxaana bogaadin u soo jeedinayaa inta garatay in lacagtooda ay ku aaminaan dhulkooda hooyo,“ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka oo tilmaamay in uu ganacsatada ka rajaynayo dadaal badan.

Ugu danbeyn, xaruntan cusub oo lagu magacaabo Puntland Fitness Center ayaa ka balaaran kuwii horey looga hirgaliyay magaalada Garowe ,waxaana ciyaartii furitaanka lagu casuumay wariyayaasha gobolka Nugaal ,kuwaasi oo ku ciyaariyay magaca saxaafadda Puntland.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com