Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha qaraxyadii Muqdisho

HomeWararka

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha qaraxyadii Muqdisho

Allaha u naxariistee qaraxyadii maanta duhurnimadii kadhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday labaatan qof, waxaana ku dhaawacmay afartan

Fariin Ku Socota Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
FALCELISKA SHACABKA MUQDISHO EE SHIRKII MUDULOOD EE FASHILKA KU DHAMAADAY
Qaramada Midoobey oo ka hadashay shaqaale looga dilay Muqdisho

Allaha u naxariistee qaraxyadii maanta duhurnimadii kadhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday labaatan qof, waxaana ku dhaawacmay afartan ruux oo rayid iyo ciidamo isugu jira.

Weeraradan oo laba ahaa ayaa ka kala dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho iyo Daljirka Daahsoon.

Saraakiisha Caafimaadka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay dhimashada inta la hubo oo ah labaatan iyo dhaawaca afartanka ruux.

Wariye Cawil Daahir Salaad iyo wariyeyaal kalle oo katirsanaa telfishinka Universal ayaa ku geeriyooday qaraxyadan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: