Walaaca dowladda iyo hardanka udhexeeya Al-shabaab iyo Daacish (dhegayso)

HomeWararka

Walaaca dowladda iyo hardanka udhexeeya Al-shabaab iyo Daacish (dhegayso)

Kooxda  Al-shabaab ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya ,kadib markii Daacshi ay sheegtay in 14 kamid ah dagaalyahanada Al-s

PUNTLAND: Talaalka cudurka Covid -19 oo la daah furay (daawo)
Xildhibaan Cali Dhahar “Dhawaan ayaan ka jawaabi doonaa cabashada shacabka ee Sicirbararka” (daawo)
Madaxweyne Ku-xageenka Puntland oo Ka Qayb Galay Shir Loogu Qareemayo Degmooyinka Caluula iyo Galdogob

Kooxda  Al-shabaab ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya ,kadib markii Daacshi ay sheegtay in 14 kamid ah dagaalyahanada Al-shabaab ay ku dileen  deegaanka Shimbiro ee gobolka Bari.

Hadaba maxaa sabab u ah iclaaminta dagaalka Al-shabaab ee ka dhanka ah Daacish?

Qodobka 1-aad “in kooxda Daacish, gaar ahaanna garabka ka hawlgala Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Al-Shabaab.” sida lagu sheegay qoraalka Al Shabaab.

Qodobka Labaad ayaa ah in daacish ku eedeeyeen “iney banneysatay dhiigga Muslimiinta, gaaleysiisayna dad muslimiin ah, gaar ahaanna kooxdiisa iyo kala jebinta muslimiinta.”

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa shegtay in xubno katirsan kooxda Daacish ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya  sida uu ka sheegay shirkii golaha wasiirada ee Soomaaliya Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud .

Halkank ka dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: