Madaxweyne Ku-xageenka Puntland oo Ka Qayb Galay Shir Loogu Qareemayo Degmooyinka Caluula iyo Galdogob

Madaxweyne Ku-xageenka Puntland oo Ka Qayb Galay Shir Loogu Qareemayo Degmooyinka Caluula iyo Galdogob

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb-galay shirka Ansixinta Mashaariicda iyo Uqareemidda baahiyaha dagmooyinka Galdogob iyo Caluula, kaasoo muddo hal maalin ah ka socon doona magaalada Garoowe.

Ujeedada shirkan ayaa salka ku haysa sidii loo xoojin lahaa awoodda maamul ee degmooyinkaasi, loona horumarin lahaa adeegyada kala duwan ee arrimaha bulshada, kuwaas oo ah qorshaha ugu weyn ee dowladdan, waxaana kulankan goob joog ahaa, Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah, Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta, Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga iyo Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Waraabka, waxaa kaloo shirkan goob joog ahaa madax ka socotey hay’addaha caalamiga ah iyo aqoonyahano kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo Shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay shirkan, waxa uu xusay in uu ififaale u yahay horumarka degmooyinkaasi.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa cadeeyey in xilligan waxqabad balaadhan ka socdo degmooyinkaasi, isla markaana dawladdan ay ka go’antahay sidii guud ahaan degmooyinka Puntland loo gaarsiin lahaa mashaariicda horumarineed ee wax ku ool ka ah, gaar ahaan dhulka laamiga ka baxsan.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa masuuliyiinta Wasaaradaha iyo hay’addaha caalamiga ah ku bogaadiyey dedaalka muuqda ee ay ku waajahayaan dhanka horumarka, waxaana uu ku booriyey inay sii laba jibaaraan dedaalkooda, guud ahaan iyo gaar ahaanba kobcinta kaabayaasha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com