HomeUncategorized

RW Cumar oo Garowe ku soo Wajahan

Jimco, Abriil 10, 2015 (Daljir) — Wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha dowladda federalka SoomaaliyaCumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta barqadii kusoo wajahan magaalada Garowe ee xarunta dowladda Puntland.

DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
Sawirro-Micheal Keating oo Telefan ku wada hadalsiiyey madaxda Puntland iyo Galmudug.
Diyaarado xalay duqeeyey deegaan xeebeedka Gumbax, gobolka Bari laba qof oo la xaqiijiyay inay dhaawacmeen.

Jimco, Abriil 10, 2015 (Daljir) — Wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha dowladda federalka SoomaaliyaCumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta barqadii kusoo wajahan magaalada Garowe ee xarunta dowladda Puntland.

Madaxda Puntland iyo shacabka ayaa diyaar xoogan ugu jira soo dhowaynta ra’iisul wasaaraha oo ah socdaalkii ugu horeeyay ee uu ku imaanayo Puntland tan iyo markii mar labaad loo magacaabay xafiiska ra’iisul waaraha Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid iyo wafdigiisa ayaa maalinta berito Garowe uga qeybgalidoona shir wadatashi ah oo la xiriira sida lagu gaari garo hiigsiga 2016, kaasoo u dhexeeya xukuumada federalka iyo Puntland.

Shirarkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xiriirka labada dhinac iyo in laga wada hadlo khilaafka labada dhinac ka dhex jira ee ku aadan arinta gobolka Mudug oo madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan sheegay in la raacin doono maamulka gobollada dhexe.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: