HomeUncategorized

Sawirro-Micheal Keating oo Telefan ku wada hadalsiiyey madaxda Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 07 November, 2016 wuxuu xafiiskiiska madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Boosaaso ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating iyo wafdi uu hogaaminayo.

Maraykanka oo Duqayn ku Dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab
Handadaad iyo cagojuglayn ay la kulmeen suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta Galkacyo.
G/Wakiillada ee DG Puntland oo si Aqlabiyadleh u ansixiyey Dastuurka Cusub ee Puntland. [Akhris …]

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 07 November, 2016 wuxuu xafiiskiiska madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Boosaaso ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating iyo wafdi uu hogaaminayo.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Dawladda Puntland ku weheliyay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka calamiga ah ee Dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo La-dagaalanka Burcad Badeeda Siciid Maxamed Raage, Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Dhedo iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaliya iyo xaaladda colaadeed ee ka aloosan magalada Galkacayo.

Kulanku markuu soo dhamaaday ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo ergayga Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya waxay madaxtooyada ku qabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen wax yaalihii kulankooda kasoo baxay.

” Wakiilka xogyaha guud ee qaramada midoobay waxaan aad uga wada hadalnay arrimaha la xariira doorashada Soomaaliya iyo sidii loo dhamays tiri lahaa wuuna ku bogaadiyay Puntland inay bilowday doorashadii xildhibaanada aqalka hoose, sidoo kalena in la muujiyo qoondada dumarka ee xubnaha aqalka hoose waana ku raja weynahay in xuquuqda ay dumarku leeyihiin la ilaaliyo ” ayuu yiiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tilmaamay in sidoo kale ay ka wada hadleen arrimo kale oo ku salaysan in lasii xoojiyo xiriirka Qaramada Midoobay iyo Dawladda Puntland iyo in lasoo afjaro xaaladda colaadeed ee ka aloosan magaalada Gaalkacayo.

“Waxaan aad isula soo qaadnay dhibaatada kasoo cusboonaatay magaalda Gaalkacayo, waa arrin xanuun badan, waa arin cid kasta ay tahay inay ka damqato, loona baahan yahay in xal waara loo helo Gaalkacayo iyo mudug, waxaanu intaan wada joognay khadka telfoonka ku xariirnay Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaanuna isla qaadanay in la sameeyo xabad joojin kabacdina madaxdu ay isugu yimaadaan maalinta jimcaha magaalada Gaalkacayo”.

Madaxweynaha ayaa intaa raciyay ” Waxaa khadka soo galay taliyaasha ciidamada iyagana amar ayaan ku siinay in xabad joojin la sameeyo , waxaan rajaynayaa in xabad joojintaasi ay hir gasho , waxaana rajaynayaa Gaalkacayo dhibaatadeedu inay dhamaato iyo in dadka Gaalkacayo ay nabad ku noolaadaan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa dhankiisa sheegay sida uu ula dhacsan yahay qoondadii doorashada haweenka aqalka sare ee Dawladda Puntland ay buuxisay intii laga rabay, isla mar ahaantaana ugu hambalyeeyey Dawladda Puntland inay hormuud u noqotay doorashooyinka aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee ka bilaabmay Puntland.

Dhinaca kale wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa ku nuux nuuxsaday ahmiyadda ay leedahay nabaddu iyo sida loogu baahan yahay in magaalada Gaalkacayo oo deris la noqotay dagaalo soo laalaabtay in lagu soo dabalo nabad, isla markaana sheegay in si wada jir ah ay isula qaateen xabad joojin tan iyo inta laga gaarayo maalinta jimcaha oo la isugu iman doono magaalada Gaalkacayo si looga wada hadlo xallinta khifaadka soo noq noqday.

” Waxaan khadka telfoonka ku wada hadalnay Madaxweynaha Dawladda Puntland, Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya, Madaxweynaha Mamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Puntland iyo Maamulka Galmudug waxaana la isla qaatay in la dhaqan geliyo xabad joojin ka bilaabanta maanta” ayuu yiri Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku sugnaan doona maalmaha fooda inagu soo haya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga  Dawladda Puntland.


–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAD.
img_3204 img_3205 img_3214 img_3216 img_3218 img_3219 img_3222 img_3225 img_3245 img_3263 img_3285

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: