Diyaarado xalay duqeeyey deegaan xeebeedka Gumbax, gobolka Bari laba qof oo la xaqiijiyay inay dhaawacmeen.

Gumbax, Apr 17 -Diyaarado dagaal oo aan la shaacin dalalka laga leeyahay ayaa habeenkii xalay duqeeyay deegaan xeebeedka Gumbax ee katirsan gobolka Bari.

Duqaynta oo dhacday xilli habeenimo ah ayaa waxaa uu ku dhaawacmay laba kalluumaysato oo xiligaasi ku guda jiray howlo kalluumaysi oo ay u tageen xeebaha degmada Gumbax , sida ay dad deegaanka ay u xaqiijiyeen Radio Daljir.

Xoghayaha degmada Gumbax ee gobolka Bari Salaad Guure Guuleed oo isaguna waraysi siiyay Radio Daljir ayaa sheegay inay dadku garanayn sababaha keenay duqeynta, balse arrintan ay cabsi ku beertay dad deegaanka oo u badan kalluumaysato.

Xaalada degmada Gumbax ee gobolka Bari ayaa ah mid degan.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com