HomeUncategorized

In ka badan 10 qof oo ku dhaawacmay dab xoogan oo xalay ka kacay dhisme ku yaala Minneapolis

Minneapolis, January 2, 2014 - Waxaa xalay dab xoogan ka kacay dhisme ku yaala magaalada Minneapolis oo ay joogto soomaalida ugu badan ee USA. Waxaa dabka ku dhaawacmay 14 ruux.

Maraykanka oo danjire cusub oo soo magcaabay safaaradiisa Soomaaliya xili la bedelay James Swan
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo si Adag u Cambaareeyay Dilkii Xildhibaan Aadan Xaaji
Hir-Shabeelle oo shaacisay Mowqifka Qoraalkii Guddoomiyaha Aqalka Sare

Minneapolis, January 2, 2014 – Waxaa xalay dab xoogan ka kacay dhisme ku yaala magaalada Minneapolis oo ay joogto soomaalida ugu badan ee USA. Waxaa dabka ku dhaawacmay 14 ruux.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa cisbitalka loola cararay, halka qaar dadkaas ay dhaawcameen markii ay damceen inay iska tuuraan dariishada dabaqada saddexaad.

Dhismaha xalay gubtay ayaa ku yaala koonfurta magaalada Minneapolis waana meel ay aad ugu badan tahay Soomaalida gobolka Minnesota.

Goob-joogayaal ayaa raadiyaha Bar-kulan u xaqiijiyey khasaraha dhabta ah ee dabka ka kacay Minneapolis,

Qaybta hoose ee dhismaha gubtay ayaa ah suuq laga dukaamaysto, 50 ka mid ah dab damiska Minneapolis ayaana ka qayb qaatay howsha xakamaynta dabka xalay kacay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: