Hir-Shabeelle oo shaacisay Mowqifka Qoraalkii Guddoomiyaha Aqalka Sare

Hir-Shabeelle oo shaacisay Mowqifka Qoraalkii Guddoomiyaha Aqalka Sare

Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay qoraalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi,kaas oo ku aadanaa in la qabto shir ay arrimaha doorashooyinka uga tashanayaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada oo ku qornaa Soomaali iyo English ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhaweeynayaan Go’aanka guddoomiyaha Aqalka Sare,isla markaana loo turo Shacbaka Soomaaliyeed danta gaarka ahna laga hormariyo danta Guud.

Sidoo kale Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in si shuruud la’aan ah ay uga qeyb-geli doonaan Shir kasta oo looga tashanayo arrimaah doorashoyinka iyo Arrimaha masiiriga ee dalka.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.


Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com