HomeUncategorized

Ra?isal wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed oo maanta hortegaya baarlamanka si loo ansixiyo

Muqdisho, December 21, 2013 - Ra?isal wasaaraha dowladda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa maanta hortegaya baarlamanka federaalka ee Soomaaliya si loogu qaado codka kalsoonida, kadib markii xilka loo magcaabay.

(Dhagayso) Wasaaradda maaliyada Puntland oo baarlamaanka Punltnad maantay horgaysay miisaaniyada 2013-ka.
Warbixin ku saabsan wadahadalada madaxda Puntland & waftiga dawlada federaalka ah ee Somaliya. [Dhegaysi …]
Suldaan Aw-seed oo Ka Hadlay Beelo Lagu Heshiisiinayo Gobolka Sool (dhegayso)

Muqdisho, December 21, 2013 – Ra?isal wasaaraha dowladda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa maanta hortegaya baarlamanka federaalka ee Soomaaliya si loogu qaado codka kalsoonida, kadib markii xilka loo magcaabay sagaal maalmood ka hor.

Xildhibaanada baarlamanka federaalka ayaa intooda badan maanta jooga fadhiga sida laga soo xigtay xildhibaanada Maxamuud Cumar oo la hadlay warbaahinta dowladda, ra?isal wasaaraha ayaa isna la filayaa in uu khudbad ka horjeedo barlaamanka.

Docda kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hortegaya baarlamanka si uu ugu cadeeyo xildhibaanada sababaha uu ku soo doortay ra?isal wasaare Dr. Cabdiweli Sheikh Axmed.

Ajandaha guud ee fadhiga baarlamanka maanta ayaa ah ansixinta ra?isal wasaaraha cusub ee dalka oo sugaya inuu shaqada kala wareego xukuumadii dhacday oo si KMG ah xilka u haysa isla markaasna uu horkacayo Cabdi faarax shirdoon.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa dib u dhigay fadhi ay yeelan lahaayeen Arbacadii ina dhaaftay,kaas oo laga sugayey in ra?isal wasaaraha codka loogu qaado, in kastoo xoghaynta guud ee baarlamanka ay sheegeen in dib u dhigistu u dhacday arrimo farsamo dartood.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: