Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay sagaal ka mid ah Al-shabaab, Africom

HomeWararka

Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay sagaal ka mid ah Al-shabaab, Africom

Militariga Mareykanka ee Africom ayaa sheegay duqayn diyaaradeed oo ay Jimcihii fuliyeen inay ku dileen sagaal ka mid ah kooxda Al-shabaab. Taliska

Madaxweynaha Ghana oo markale dib loo doortay
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Dowladda Soomaaliya oo ka mamnuucday inay dalka soo galaan dadka ka imaanaya afar dal

Militariga Mareykanka ee Africom ayaa sheegay duqayn diyaaradeed oo ay Jimcihii fuliyeen inay ku dileen sagaal ka mid ah kooxda Al-shabaab.

Taliska Africom ayaa sheegay duqaynta inay wax khasaare ah kasoo gaarin dadka rayidka, iyadoo ay ka wada shaqaynayeen ciidamada Soomaaliya iyo Afrikom, waxaana uu kadhacay deegaanka Lebede ee gobolka Baay.

Qoraal kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay inay adeegsan doonaan talaabo kasta oo ku haboon si loo difaaco dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliya, ciidamada qaranka iyo AMISOM ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Africom.

Mareykanka ayaa inta badan duqaymo ka fuliya deegaamada ay maamulaan Al-shabaab, waxaana jirin warar madaxbanaan oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: