Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay sagaal ka mid ah Al-shabaab, Africom

HomeWararka

Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay sagaal ka mid ah Al-shabaab, Africom

Militariga Mareykanka ee Africom ayaa sheegay duqayn diyaaradeed oo ay Jimcihii fuliyeen inay ku dileen sagaal ka mid ah kooxda Al-shabaab. Taliska

Dowladda Imaaraadka oo Bilowday Masaafurinta Soomaalida iyo Ganacsato Boosaaso Lagu Soo Dejiyey (dhegayso)
Madaxda Maamul gobaleedyadda oo Fariin hambalyo ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh
Buhoodle oo si weyn looga Ciiday Maanta (dhegayso)

Militariga Mareykanka ee Africom ayaa sheegay duqayn diyaaradeed oo ay Jimcihii fuliyeen inay ku dileen sagaal ka mid ah kooxda Al-shabaab.

Taliska Africom ayaa sheegay duqaynta inay wax khasaare ah kasoo gaarin dadka rayidka, iyadoo ay ka wada shaqaynayeen ciidamada Soomaaliya iyo Afrikom, waxaana uu kadhacay deegaanka Lebede ee gobolka Baay.

Qoraal kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay inay adeegsan doonaan talaabo kasta oo ku haboon si loo difaaco dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliya, ciidamada qaranka iyo AMISOM ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Africom.

Mareykanka ayaa inta badan duqaymo ka fuliya deegaamada ay maamulaan Al-shabaab, waxaana jirin warar madaxbanaan oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: