HomeUncategorized

7 ruux oo ku dhintay dirir Beeralay ku dhexmartay Hiiraan iyo dhaawacyo loo qaaday Beledweyne

Beledweyne, December 12, 2013 - Deegaanka Kabxanley ee woqooyiga gobolka Hiiraan, waxaa maanta ka dhacay dagaal kharaar oo ay dad badan ku dhinteen.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda cusub.
FAAH-FAAHIN: Sababta ka danbaysa is-casilaadda Guddoomiyahii Guddiga dib u Eegista dastuurka Soomaliya
Wefti uu hogaaminayo wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland oo Garacad kula kulmay saraakiil Nato ah.

Beledweyne, December 12, 2013 – Deegaanka Kabxanley ee woqooyiga gobolka Hiiraan, waxaa maanta ka dhacay dagaal kharaar oo ay dad badan ku dhinteen.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey geerida 7 ruux iyo dhaawaca 20 kale oo dhinacyadii dagaalamay ah, markii maanta oo khamiis ah ay dirir dhexmartay beelo wada degan.

Khasaaraha dhimashada ayaa intaas ka badan kara, iyadoo weli xiisadu ay aloosan tahay

Dhaawacyadii ayaa haatan loo qaaday cisbitalka Beledweyne, sida ay sheegeen odoyaasha deegaanka.

Dagaalka maanta ka dhacay Kabxanley wuxuu u dhexeeyaa beelo isku haya dhul-beereed, kuwaas oo heshiis xabad joojin ah gaaray bishii hore.

Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya waxay canbaareeyeen dagaal beeleedka maanta ka dhacay woqooyiga Hiiraan ee dadka badan ku dhinteen.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: