Germany oo hugaaminaysa howl-galka Atlanta ee la dagaalanka Burcad-badeeda bariga Afrika

Berlin, December 12, 2013 – Dowladda Jarmalka ayaa la wareegtay hugaanka ciidamada badda ee midowga Yurub, kuwaas oo xeebaha bariga Afrika kula dagaalama Burcad-badeeda Soomaalida.

War-bixin ka soo baxday howl-galka Atlanta ee midowga Yurub ayaa lagu sheegay in taliyaha sare ee ciidamada Atlanta uu noqon doono Herve Blejean.

Blejean waxaa cadaadis lagu saaray in uu sii xoojjiyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Burcad-badeeda ah.

?si loo hubiyo badbaadinta biyaha Soomaaliya waxaa si dhow u wada shaqayn doona ciidamada Atlanta iyo kuwa kale ee xeebaha jooga.? ayuu hugaamiyaha howl-galka Atlanta

Nederland ayaa horay u hugaaminaysay howl-galka, waxaana lagu amaanay sida ay xeebaha ugula dagaalameen kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida ah ee faraha kulul ku hayey xeebaha gobolka.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *