HomeUncategorized

Gen. Fartaag ?wasiiro cusub iyo ku xigeeno ayaa ku jira qorshaha dhow ee magcaabistena? (Dhegeyso)

Kismaayo, December 7, 2013 - Madaxweyne ku xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba Gen. Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag ayaa ka hadlay magcaabista gollaha wasiirada cusub ee maamulka Jubba iyo weliba ku xigeenka.

“Ma jiro wax maamul ah oo aan kan Puntland ahayn oo ka jira deegaannada bariga fog, sida Caluula iyo Baargaal” Wasiirka beeraha & waraabka ee Puntland Eng. Bariij-kalo.
Ganacsiga Soomaaliya oo ku xirmay caalamka iyo xaruunta maalgashiga oo la hir geliyey.
Tahriibayaal Soomaali ah oo laga bad-baadiyay Dooni ku qalin-bantay Tunusia

Kismaayo, December 7, 2013 – Madaxweyne ku xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba Gen. Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag ayaa ka hadlay magcaabista gollaha wasiirada cusub ee maamulka Jubba iyo weliba ku xigeenka labbaad ee madaxweynaha maamulkaas oo maanta la shaaciyey.

?Madaxweyne ku xigeenka labbaad waa mid dastuuri ah, waana magcownay.? Ayuu yiri Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil oo u waramay daljir.

Madaxweyne ku xigeenka Jubba ayaa sheegay in la magcaabay 8 oo ka mid ah wasiiradda maamulka KMG ah,? isagoo shaaciyey in labba ka mid ah wasiirada iyo ku xigeenada iyagana si dhaqso ah loo magcaabi doono.

?Wada-tashiyo badan oo lala yeeshay qayabaha bulshada ayey ku yimaadeen xubnaha la magcaabay, madaxweynaha ayaa go?aamiyey, waxaa iman doona wasiir ku xigeeno, wasiiro kale, iyo agaasimayaashii dowladda iyo xataa hay?adihii dowliga ahaa.? Ayuu yiri Fartaag.

Xukuumada cusub ee Jubba waxaa hortaala in ay si buuxda u hantaan amaanka guud ee gobollada iyo degmooyinka taas oo ah muhiimada koowaad, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenku, waxaa kaloo uu xusay in adeegyadii horumarinta bulshada loo soo celin doono.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Dhegeyso:- Maxamuud Cabdi oo daljir ka tirsan ayaa waraystay Madaxweyne xigeen Gen. Fartaag

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: