Shacabka Wadanka Tunisia oo dibadbaxyo ku diiday booqashada MBS ee Tunisia

HomeWararka

Shacabka Wadanka Tunisia oo dibadbaxyo ku diiday booqashada MBS ee Tunisia

Dhalaxsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa la filayaa inuu gaaro maanta oo Talaado wadanka Tunisia , arrintan oo qayb ka ah b

80JIR KAMID AH DADKA NAQA USOO HAYAAMAY, SIDEE AYUU KUSOO GARAAY GOBOLKA HAYLAND? (daawo)
Wacaal Daray ah: Taliyihii Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Boosaaso oo la Dhaawacay
Muqdisho: Guddiga Badbaadada doorashooyinka oo Guddoomiye iyo ku xigeen doortay

Dhalaxsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa la filayaa inuu gaaro maanta oo Talaado wadanka Tunisia , arrintan oo qayb ka ah booqasho gobolka uu ku kala bixinayo kahor inta aan la gaarin ka qaybgalkiisa shirkiisa G20 ee ka dhacaya dhammaadka bisha wadanka Arjantiin.

Waa booqashadii u horaysay ee uu dibadda uu ku aado kadib dilkii wariyaha maqaalada ku qori jiray Washington Post ee Jamaal Khashoggi oo laba bilood kahor lagu dhex dilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istambuul oo sababtay dhaleecayn caalami ah.

“Muwaadin ahaan waan kasoo horjeedaa booqashada Bin Salmaan ee Tunisia” ayuu yiri mid ka mid ah dadka dibadbaxa dhigayay.

Boorarka sawirkiisa oo uu ka muuqdo miinshaarta wax lagu jaro ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu soo dhowaynayo iyo boorar ay ku qorantahay wax soo dhowayn ah naga heli maysid Bin Salmaan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: