M/wayne Farmaajo “Caqabadaha ugu badan ee saamaynta ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta”

M/wayne Farmaajo “Caqabadaha ugu badan ee saamaynta ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta”

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dhibaatada xeebaha Soomaaliya ee kalluumaysiga sharci darada ah, markiisii u horaysay tan iyo xilka markii uu la wareegay muddo laba sano ka badan.

Madaxwayne Farmaajo ayaa khudbaddiisa ku sheegay inay raadinayaan xiriir iskaashi oo caalami ah oo ilaalinta xeebaha Soomaaliya.

Soomaaliya oo leh xeebta labaad ee ugu dheer Afrika ayaa waxaa ku sugan maraakiib dagaal kuwaasi oo la dagaalama burcadbadeeda balse iska indho tira dhibaatooyinka lagu curyaamino dhaqaalaha Soomaaliya ee badda.

Hoos ka akhriso khudbaddii madaxwayne Farmaajo

 

Waxaan ku faraxsanahay inaan qayb ka noqdo shirkan koowaad ee ahmiyadda weyn leh, kuna saabsan dhaqaalaha badda ee lagu qabtay caasimadan quruxda badan ee Nairobi.

Marka hore, aan Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku bogaadiyo qabanqaabada shirkan muhiimka ah ee ujeedkiisu yahay soo bandhigidda fursadaha tirada badan ee dhaqaalaha badda iyada oo haddana la dhawrayo biyaheenna si ay uga faa’idaystaan jiilasha soo socda mustaqbalka.

Soomaaliya waxaa suuragal u ah inay inta ugu badan ka faa’iddo dhaqaalaha badda ah si xooggan oo isla markaana waara.

Soomaaliya waa waddan leh muhiimad istaraatijiyadeed, waxayna leedahay xeeb dhererkeedu yahay in ka badan 3,300 km oo ah tan ugu dheer qaaradda Afrika, kana mid ah kuwa ugu wax soosaarka badan gobolka, fursad weyna u ah warshadaha iyo maalgashiyada la xiriira xeebaha.

Waxaannu leennahay kayd khayraad oo aan la taaban sida kalluunka, saliidda iyo gaaska badda, macdanta iyo khayraadka kale ee badda.

Maamulkaygu waxa uu garawsan yahay in khayraadkan baaxadda weyn ee aan weli la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqala’aanta.

Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran si aan uga faa’idaysanno dhaqaalaha badda ku salaysan, annaga oo dhawrayna deegaanka.

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ku hawlan sidii ay sameyn lahayd iskaashiyo lagu abuurayo, laguna horumarinayo dekedahayaga istaraatijiga ah, sare loogu qaadayo isu socodka gaadiidka badda, cuntada badda, beerashada badda, sifaynta biyaha badda iyo guud ahaan horumarinta macdanta badda. Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa sidoo kale u xilsaaran horumarinta khayraadka badda.

Waxaannu si buuxda uga warqabnaa xiriirka ka dhexeeya nabadda, amniga iyo horumarka waara.

Muddadii dheerayd ee aan khilaafka ku jirnay ayaa shaki la’aan si taban u saamaysay koboca iyo horumarka khayraadka badda ee Soomaaliya.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Mar haddiiba aanu ka hadlayno abuuridda dhaqaale badda ah oo waara, iyo baahida loo qabo maalgashi iyo warshado, waxa lagama maarmaan ah inaanu marka kowaad ka hadalno dhaqdhaqaaqyada aan sharciga ahayn ee ka socda xeebaheenna.

Caqabadaha ugu badan ee saamaynta ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.

Waxaan rajaynayaa in qodobada ka soo baxaya shirkan uu qayb ka ahaadaan in la iska kaashado xakamaynta dhammaan hawlaha aan sharciga ahayn ee ka socda xeebaha.

Maamulkaygu waxa uu sii wadi doonaa inuu abuuro iskaashiyo caalami ah si loo xalliyo arrimahan.

Waxaan aaminsannahay in haddii la helo daahfurnaan iyo iskaashi sarreeya, lagana faa’idaysto horumarka dhanka teknaloojiyadda iyo awoodaha satalaytka, aynu awood u yeelan doonno hakinta dhaqdhaqaaqyadan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Nabadda iyo amnigu waxay kamid yihiin ajendayaasha ugu muhiimsan ee maamulkayga.

Waxaan xoojinaynaa dowladnimada, sare u qaadaynaa iskaashiga dhinaca amniga si loo helo xasillooni, oo ay kamid tahay in la helo badweyn iyo xeebo nabad ah. Sidoo kale, waxaannu ka shaqaynaynaa inaan xoojinno adkaygsiga dadka si loo yareeyo saamaynta xun ee isbeddelka cimilada iyo abaaraha joogtada ah.

Dadaalladani waa ay bilawdeen, waxana durba muuqata in guulo laga gaaray.

Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan fursaddan uga faa’idaysanayaa inaan xuso in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashiyada iyo maalgashiyada la xiriira khayraadka baddeenna hodonka ah.

Waad mahadsanidiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com