Masuul katirsan Hir-shabelle oo xaaskiisa ku dilay Jowhar

HomeWararka

Masuul katirsan Hir-shabelle oo xaaskiisa ku dilay Jowhar

Maareeyihii garoonka diyaaraha ee magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle ayaa dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Jamiilo Sh.Cali Ibraahim . M

Xulashada Daljir & Khadar Cawl Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Madaxwayne Gaas: “Soomaaliya ma ahan Muqdisho, Muqdishona Soomaaliya ma aha!”
Ciidamada Kenya oo baxay deegaanka Busaar ee gobolka Gedo iyo Al-shabaab oo la wareegtay

Maareeyihii garoonka diyaaraha ee magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle ayaa dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Jamiilo Sh.Cali Ibraahim .

Maareeyaha oo lagu magacaabo Cali Dheere dilka waxaa uu gaystay kadib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo xaaskiisa oo uur lahayd.

Wararka ayaa sheegaya ciidamada Hir-shabeelle ay xabsiga dhigeen sarkaalka dilka gaystay.

Dilkan waxaa si’aad uga xumaaday guud ahaanba shacabka , waxaana marxuumadda la dilay lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Jowhar.

Haweenka ayaa ka mid ah dadka u nugul dhibaatooyinka kala kulma deganaashiyo la’aanta dalka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: