Masuul katirsan Hir-shabelle oo xaaskiisa ku dilay Jowhar

Masuul katirsan Hir-shabelle oo xaaskiisa ku dilay Jowhar

Maareeyihii garoonka diyaaraha ee magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle ayaa dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Jamiilo Sh.Cali Ibraahim .

Maareeyaha oo lagu magacaabo Cali Dheere dilka waxaa uu gaystay kadib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo xaaskiisa oo uur lahayd.

Wararka ayaa sheegaya ciidamada Hir-shabeelle ay xabsiga dhigeen sarkaalka dilka gaystay.

Dilkan waxaa si’aad uga xumaaday guud ahaanba shacabka , waxaana marxuumadda la dilay lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Jowhar.

Haweenka ayaa ka mid ah dadka u nugul dhibaatooyinka kala kulma deganaashiyo la’aanta dalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com