Nicolas Haysom “Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur”

Nicolas Haysom “Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur”

Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Nicolas Haysom ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku cambaareeyey qaraxyadii shalay kadhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo.

Suuq ku yaala degmaad Wadajir ayaa qarax uu kadhacay, waxaana ku geeriyooday dad rayid ah oo isugu jira haween iyo carruur.

Qarax kalle oo shalay kadhacay magaalada Gaalkacyo waxaa lagu dilay Cabdiwali Cilmi oo ahaa wadaad ku caanbaxay qasiidooyin muusik lagu laray, kaasi oo dhaleecayn badan kala kulmi jiray inta badan dadka baraha bulshada wax ku qora iyo culimaa’udiinka.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii lagu dilay oo isugu jiray gaari miinaysan iyo koox hubaysan oo gudaha u galay dhismaha uu ka deganaa koonfurta Gaalkacyo.

“Weerarradii maanta lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka, Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.” ayuu yiri Mudane Haysom.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com