HomeUncategorized

Soomaaliya oo loogu baaqay ansixinta sharciga mamnuucida Burcad-badeeda ee xeebaha dalka

New York, November 19, 2013 - Qaramada Midoobey ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqday ansixinta sharciga mamnuucida Burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya, gollaha ayaa baaq.

Ciidanka Badda Puntland iyo Burcad-Badeed dagaal ku dhexmaray gobolka Mudug.
Joogista Cali Xaaji ee Xamar, ma loo xaglin karaa xil-ka-raadin federaalka ah?
Musharixiinta gudoonka aqalka sare ee barlamaanka oo lagu dhawaaqay.

New York, November 19, 2013 – Qaramada Midoobey ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqday ansixinta sharciga mamnuucida ?Burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya, gollaha ayaa baaq loo dhan yahay u diray Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa ansixiyey qaraar dhigaya in dib loo abbaabulo Maraakiibta la dagaalanka Burcad-badeeda, Qaramada midoobey waxay sidoo kale ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay ku dadaasho xir-xirista Burcad-badeeda iyo in si deg deg ah Maxkamad loo soo taago.

War-bixinta Qaramada midoobey ee lagaga hadlayo Burcad-badeeda oo shalay soo baxday, mar la kordhinayey xilliga uu sii jirayo howl-galka la dagaalanka Burcad-badeeda ayaa waxaa baaq loogu jeediyey dalalka bariga Afrika in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Soomaaliya ilaa haatan ma leh maxkamad Burcad-badeed in kastoo la qorshaynayo dhismaheeda, sidoo kale waxaa aad u yar xabsiyada lagu xiro ragga ka tirsan Burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya, marka laga reebo deeganada Puntland ?oo dhowr xabsi laga dhisay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: