Ciidanka Badda Puntland iyo Burcad-Badeed dagaal ku dhexmaray gobolka Mudug.

?

Garacad, Dec 11, Ciidamada Bilayska Badda ee Puntland ayaa iska hor-imaad ku dhexmaray deegaano hoostaga degmadda Garacad ee gobolka Mudug, kadib markii ciidamadu shalay halkaasi gaareen.

?
Hal qof oo Burcad-badeed ah ayaa dhaawacmay 4 kalena gacanta ayaa lagu dhigay sida uu Radio Daljir u sheegay gudoomiyaha degmada Jariiban oo garac hoostagto Md Cabdikariin Sh Maxamuud Kaytoon.
?
Mudane Kaytoon wuxuu sheegay in ciidamada Badda ee Dawlada Puntland ay weerar ku qaadeen goob lagu tuhunsanaa inay ku jiraan kooxo Burcad-Badeed ah oo Markab ku haysta Xeebaha Garacad ee gobolka Mudug.
Wuxuu sheegay in hawlgalkani u dhacay si wanaagsan oo aan waxyeelo kasoo gaarin dadka deegaanka sida uu hadalka u dhigay.
?
Ciidamada Bilayska Badda ee Dawlada Puntland ayaa mudooyinkii danbe wadey ololaha ciribtirka Burcad-Badeedda ee deegaanada Puntland iyadoo isbedel weyn la dareemay mudadii ay Ciidamadaasi shaqaynayeeen.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com