HomeUncategorized

Midowga Afrika oo boggaadiyey kordhinta AMISOM iyo tayeynta ciidanka dowladda Soomaaliya

Nairobi, November 13, 2013 - Ururka midowga Afrika ayaa soo dhoweeyey qorshaha Qaramada midoobey ku meel-marisay kordhinta ciidamada AMISOM oo laga dhigayo 22.000 kun oo Askari.

Dawladda iyo mucaaradka oo siyaabo kale duwan uga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho. [Akhris …]
DHEGEYSO-Warkii Fiidnimo Xarunta Daljir ee Boosaaso 11 07 2016.
Madaxwaynaha dowladda faderaalka oo mar kale magacaabay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Nairobi, November 13, 2013 – Ururka midowga Afrika ayaa soo dhoweeyey qorshaha Qaramada midoobey ku meel-marisay kordhinta ciidamada AMISOM oo laga dhigayo 22.000 kun oo Askari.

Danjire Mahamat Saleh Annadif oo ah ergayga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya yaa sheegay in Qaramada midoobey ay ansixisay kordhinta ciidanka xili ku habboonaa.

?Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM waxay guulo la taaba karo ka gaareen amniga Soomaaliya iyo dagaalka dhanka ah AMISOM, hadii la kordhiyo is bedel badan baa dhacaya.? Ayuu yiri Danjire Annadif

Midowga Afrika waxay sheegeen in ay arintaani muujinayso muhiimada ay leeyihiin ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, iyo in la cadeeyo doorkooda ay ka qaateen xasilinta dalka Soomaaliya.

Qaramada midoobey ayaa shalay meel-marisay kordhinta ciidanka AMISOM ku biiraya iyo si deg deg ah loo daad-guraynayo iyo weliba in la tayeeyo ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: