Madaxwaynaha dowladda faderaalka oo mar kale magacaabay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Muqdisho, June , 30 – Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale soo magacaabay guddiga doorashooyinka qaranka , kadib markii gudigii hore uu kala diray.
 
 
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha ayaa lagu magacaabay guddigan doorashooyinka oo ka kooban 21- xubnood oo kala matalaya heer dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada.
 
 
Guddigii horey uu u magacaabay madaxwaynaha ayaa siwayn looga horyimid kadib markii lagu dhex arkay wasiiro katirsan xukuumadda oo aad ugu dhow madaxwaynaha.
 
Guddiga cusub ee doorashooyinka ayaa howshoodu tahay dajinta qaabka doorashada u dhacaysa iyo xiliga la qabanayo.
 
 
 
HALKAN HOOSE KA AKHRISO MAGACYADA
 
Cumar Maxamed Cabdulle
Burhaan Cilmi Xirsi
Mustiim Wayd
Maxamed Keynaan
Saciid Jaamac Cali (Qorsheel)
Nafisa Geeddi Santuur
Maxamed Cali Diiriye
C/raxmaan Sheekh Mucaawiye
Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf
Saciido Maxamed Mausciid
Aweys Abuukar Sokorow
Sahra Cabdi Xuseen Jaamac
C/casiis Sheekh Xuseen Dayib
Salaad Cali Ibraahim Catoos
Aadan C/naasir Maxamed
Cabdullaahi Salaad Yarow
Yaasiin Cabdi Jaamac
Axmed Maxamed Saciid
Fardowsa Maxamed Ducaale
Aamina Cabdullaahi Dheerow
Raaxo Maxamed Janaqow
 
 
Radio Daljir.
 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com