HomeUncategorized

Barnaamij gaar ah oo ku saabsan baarlamaankii la kala diray iyo xulidda kuwa cusub (Dhegayso)

31-dii bishii October ee ina dhaaftay waxaa si rasmi ah Madaxweynaha Puntland u kala diray golihii wakiillada Puntland, kuwaasi oo xasaanadda xildhibaanimo hayey muddadii 5-ta sano ahayd ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe oo ku wajahan Muqdisho
Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo oo maanta si wada-jira oga hadlay dhacdadii shalay xabsiga weyn ee Gaalkacyo iyo xaaladda hadda uu ku sugan yahay gobolka (Warsi-xaafadeed)
DHAGAYSO:Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland oo u Gurmaynaysa Goobaha ay Abaaruhu ku Dhufteen
31-dii bishii October ee ina dhaaftay waxaa si rasmi ah Madaxweynaha Puntland u kala diray golihii wakiillada Puntland, kuwaasi oo xasaanadda xildhibaanimo hayey muddadii 5-ta sano ahayd ee la soo dhaafay.
?
Kala diridda baarlamaankaan ayaaa timid kadib markii uu idlaaday wakhtigoodii sharci ee xilka baarlamaanka, waxaana ay ahaayeen mudanayaashii ugu cimriga dheeraa ee Puntland soo maray.
?
Dhammaadka wakhti iyo kala dareeridda baarlamaankii hore ayaa furaysa albaab kale oo ah in loo dhaqaaqo soo xulidda xildhibaanno cusub oo baddeli doono iyaga, kuwaasi oo iyana dooran doona hoggaan cusub oo dalku yeesho marka la gaaro 8-da bisha Jannaayo ee sannadda 2014-ka.
?
Haddaba arrimahaan waxaan idinka diyaarinay baarnaamij gaar ah oo aan ku eegi doono, waxaa lagu xasuusan doono xildhibaannadii hore, iyo dhaliil iyo amaan wixii ay lahaayeen, iyo kuwo cusub ee xuliddooda lagu hawlan yahay wax looga fadhiyo.
?
Barnaamijkaasi waxaa istuudyaha Daljir ee magaalada Galkacyo inooga soo diyaariyey Cabdifitaax Cumar Geeddi, inoona soo jeedinaya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: