DHAGAYSO:Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland oo u Gurmaynaysa Goobaha ay Abaaruhu ku Dhufteen

Axad, Feberaayo 07, 2016 (Daljir) —Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arimaha gudaha dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland Cabdulaahi Xaashi qoob deero oo maanta waraysi siiyey Daljir ayaa sheegay in Puntland ay ka jirto abaar aad u baahsan.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradu ay qorshaynayso sidii ay dadka wax u gaarsiin lahayd balse waxaa uu ka codsaday shacabka Puntland dal iyo dibadba inay ka qayb-qaataan gurmadka loo fidinayo dadka abaarta iyo biyo la,aantu ay saameeyeen.

Wasiir kuxigeenku waxaa uu hada ku saganyahay degmada bayla ee gobalka karkaar oo maanta u tagay dhismaha golaha deegaanka degmaas Jaamac Cabdiraxmaan Axmed ayaa waraystay waxaase marka hore uu ka hadlayaah dhismaha golaha deegaanka ee degmada baybala.
Dhagayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com