Shakiib dhawre ?midaynta ciidamada jooga Jubbooyinka ayaa shirka looga hadlayaa maanta? (Maqal)

Muqdisho, November 4, 2013 – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalintii labbaad ka socda shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka, kaas oo maanta lagu soo bandhigayo qoddobo dhowr ah.

Shakiib dhowre oo ka mid ah ergada shirka ka socda Muqdisho oo la hadlay idaacada daljir, waxaa uu sheegay in qoddobada ugu badan ee la gorfaynayo maanta ay ku jiraan wada-shaqaynta guud ee bulshada.

?midaynta ciidamada jooga gobollada Jubbooyinka ayaa ka mid ah qoddobada maanta laga doodayo.? Sida uu Daljir u sheegay Shakiib dhowre.

Shirka Jubbooyinka ee maanta socda, sidoo kale waxaa diirada lagu saarayaa sidii iyadoo la midaysan yahay gobollada Jubbooyinka iyo Gedo looga cirib-tiri lahaa kooxda Al-shabaab oo gacanta ku haysa meelo ka mid ah gobolka.

Madaxda Jubba iyo kuwa dowladda federaalka ayaa shirka ka akhrinaya habka uu u dhacay heshiiska Adis Ababa ee dhamaadkii Agoosto, sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa hanaanka horusocodka maamulka Jubba ee labbada sano ee soo socota.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Shakiib dhowre oo u waramay Maslax mukhtaar oo daljir ka tirsan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com