Madaxwayne Axmed Baasto “Al-shabaab iyo Golaha Dowlad Goboleedyada ayaa dalka dhibaato ku haya”

HomeWararka

Madaxwayne Axmed Baasto “Al-shabaab iyo Golaha Dowlad Goboleedyada ayaa dalka dhibaato ku haya”

Madaxwaynaha Galmudug ee lagu doortay magaalada Cadaado Axmed Baasto ayaa sheegay dalka Soomaaliya inay dhibaato ku hayaan Golaha Iskaashiga Dowlad Go

Madaxweynaha jubbaland oo ka hadlay doorashadda dhacaysa
Xeer-ilaalinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay Kulan looga hadlayay dhaqan gelinta Xaashida Dhaawac muujinta
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Madaxwaynaha Galmudug ee lagu doortay magaalada Cadaado Axmed Baasto ayaa sheegay dalka Soomaaliya inay dhibaato ku hayaan Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada iyo Al-shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo ka hadlayay magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa uu sheegay ciidamada ay ku baaqeen inay samaystaan ay hadda bilaabeen dhibaatooyin loo gaysanayo shacabka, waxaana uu eedeeyey maadxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka mid ah aasaasayaasha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

“Soomaaliya waxaa caqabad ku ah Al-Shabaab,waxaa caqabad ku haaya Golaha sharta ah ee Golaha Iskaashiga diidayana Nasiino shacabka Soomaaliyeed helaan oo mar walba boobaya,runtii waxaan leenahay dhibaato ka weyn majirto Golahaas marka laga reebo Al-Shabaab” ayuu yiri Axmed Baasto oo qaar ka mid baarlamaanka Galmudug ay ugu doorteen magaalada Cadaado madaxwaynaha maamulka Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: