Xeer-ilaalinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay Kulan looga hadlayay dhaqan gelinta Xaashida Dhaawac muujinta

Xeer-ilaalinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay Kulan looga hadlayay dhaqan gelinta Xaashida Dhaawac muujinta

Shirkan oo looga hadlayay sidii loo dhaqan gelin lahaa Xaashida Dhaawac Muujinta,si ay u sahlanaato qaadista kiisaska dacwadaha ee dhibanayaasha oo ay kujiraan dacadiyada jinsiga iyo kuwo kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka,guddoomiyaha Maxakamada Gobolka Banaadir,mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha khusaaye sida caafimaadka,amniga iyo garsoorka.

Xeer ilalinta ayaa ujeedka ku sheegtay in uu yahay sidii loo waafajin lahaa nidaamka caalamiga ah,waxaana muddo koban la is dhaafsaday aragtiyo ku aadan sia loo dhaqan gelin karo,waxaan aad loo lafa guray xadgudbyda jinsiga ah.iyadoo goobtaasi lagu sharaxay waxa axaashidan ay tahay iyo ahmiyadeed.

Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed ayaa ka hadlay ahmiyada iyo faaidooyinka uu leeyahay dhaqangelinta xaashida Dhaawac muujinta,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in dhankasta laga eego sharcigan maadaamo garsooruhu uu go’aan ku gaaro wixii uu ku naqco.

Dr Axmed Cali Daahir xeer-ilaaliyaah guud ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay jiri doonan shirar kale oo looga hadli doono arrimahan sidii looga wada shaqeyn lahaa,islamarkaana mabda’a ahaan uu ku dhawaaqay dhaqangalkiisa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com