HomeUncategorized

Madaxweynaha xasan sheikh oo ka hadlaya munaasabada maalinta xoriyada ee dowladda Turkiga

Muqdisho, October 29, 2013 - Madaxaweynaha Soomaaliya xasan sheikh maxamuud ayaa gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey, waxaa uu madaxweyne xasan la kulmayaa ra?isal.

Madaxweynaha Puntland oo Itoobiya kaga qayb-galaya xuska maalinta qowmiyadaha (Dhegeyso)
Baaq ay soo saartay jaaliyadda Puntland ee Switzerland oo ku saabsan ciidanka dawlada federaalka ah ee ku tabaalaysan Muqdisho.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.

Muqdisho, October 29, 2013 – Madaxaweynaha Soomaaliya xasan sheikh maxamuud ayaa gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey, waxaa uu madaxweyne xasan la kulmayaa ra?isal wasaare Ordogan iyo madaxweyne Abdalla guul.

Madaxweynaha oo xalay u amba-baxay dalka Turkiga ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanaya madaxda oo ay ka arrinsan doonaan xiriirka labbada wadan iyo weliba doorka Tukriga ee Soomaaliya, qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay madaxweynuhu in uu mahadcelin doono Turkiga.

Docda kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qayb gelaya munaasabada maalinta xorriyada ee dalka Turkiga 90 sano kadib, madaxweynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinaya munaasabada sida lagu sheegay qoraalka dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Turkiga waxay isla soo qaadi doonaan shirka Qaramada midoobey ee looga hadlayo arrimaha ciidamada Soomaaliya kaas oo dhowaan furmaya, madaxweynaha ayaa Turkiga ka dalbnaya in la taageero ajandaha Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: