HomeUncategorized

Al-shabaab oo xalay madaafiic ku dhuftay garoonka Kismaayo iyo maamulka oo ka hadlay (Dhegeyso)

Kismaayo, October 29, 2013 - Maamulka Jubba ayaa beeniyey in uu khasaare ka dhashay madaafiic ay ururka Al-shabaab ay xalay ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, Carab Axmed Cali oo ah mareeyaha.

R/wasaare Gaas oo galabta ku laabtay Muqdisho, kana tacsiyeeyay dilkii shaqaalaha gargaarka.
Madaxwaynaha Puntland oo Soomaalida ka raaligaliyay hadallo kasoo yeeray R/wasaaraha iyo Madaxwaynaha Soomaaliya
DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada iyo Axmed Maxamed Nadiif.

Kismaayo, October 29, 2013 – Maamulka Jubba ayaa beeniyey in uu khasaare ka dhashay madaafiic ay ururka Al-shabaab ay xalay ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, Carab Axmed Cali oo ah mareeyaha garoonka ayaa idaacada daljir sidaas u sheegay.

Mudane Carab waxaa uu shaaciyey in ay ururku madaafiic ku garaaceen garoonka saqdii dhexe ee xalay, ?in kastoo ay awood badnaayeen haddana waxaa uu si cad u sheegay in uusan jirin khasaare soo gaaray garoonka iyo ciidamada joogay intaba.

Ciidamada Kenya ee fariisinka ku leh garoonka ayaa iyaguna madaafiic ku garaacay meelaha ay Al-shabaab rasaasta waa wayn ka soo rideen, waxaa uu sheegay Carab oo arintaas daljir uga warbixiyey in ay ciidamada dowladda tageen goobihii laga soo weeraray xalay, isla markaasna arkeen saan saan muujinaysa in khasaare soo gaaray ururka.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo oo iyana warbaahinta la hadlay, waxay xaqiijiyeen in xalay maqleen rasaas culus oo la si dhaafsanayey iyo hubka cul culus oo ku dhacayey garoonka magaalada xeebta ah, lama ogaan kharo khasaaraha rasmiga ah.

Howlihii shaqo ee garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa dib u bilowday maanta, Carab Axmed waxaa uu sheegay in aysan saamayn ku yeelan gantaalada Al-shabaab.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Dhegeyso: Iimaan Maxamed Jaamac oo daljir ka tirsan ayaa waraystay maareeye Carab Axmed?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: