Howlgal xoolaha waddooyinka Muqdisho daaqo ka dhan ah oo la qaaday (sawiro)

HomeWararka

Howlgal xoolaha waddooyinka Muqdisho daaqo ka dhan ah oo la qaaday (sawiro)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay howlgal uu ku uruurinayo xoolaha loo daaqgeeyo waddooyinka waawayn ee magaalada Muqdisho, iyadoona gaadiid lag

Shirkadda Fadhisame Boosaaso oo dhisme Cusub Xariga kajartay (dhegayso)
Cabdiweli Seed Cilmi, Wasiir KX W Xannaanada Xoolaha Puntland: “Harqaanlaan soo noqday waana ku faanaa shaqooyinkii aan soo qabtay” (dhegayso)
Jabuuti iyo DP World iyo Casharka Berbera iyo Bossaso

Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay howlgal uu ku uruurinayo xoolaha loo daaqgeeyo waddooyinka waawayn ee magaalada Muqdisho, iyadoona gaadiid lagu daabulayo xoolahaasi oo u badan lo’da oo si wayn looga dhaqdo Muqdisho iyo deegaamada la dariska la’ ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow oo horay xeerkan usoo saaray ayaa mar kalle isagoo ka hadlayay howlgalka yiri.

“Ma aqbali karno in Waddooyinka Caasimadda ay iska dhex joogaan Xoolo, kuwaas oo dhibaato ku ah bilicda iyo nadaafadda Caasimadda, waxaan u sheegaynaa qof walba oo leh xoolahan inuu ka saaro magaalada, ciddii u hoggaansami waydana waxay waayi doontaa xoolahooda, sharciga ayaana lala tiigsan doonaa”.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: