HomeUncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday New York oo uu ka furmayo shirka Qaramada Midoobey

New York, September 24, 2013 - Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud iyo wefdi balaaran oo uu arkacayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka furmayo shirka gollaha.

Taliyihii ciidamada bileyska ee Puntland oo xilkii laga qaaday, taliye cusub oo la magacaabay.
Guddiga wacyigelinta shacabka Puntland oo maalintii 4-aad farriimo digniin & hogatusaalayn isugu dhafan u diray shacabka Puntland.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Tartan iyo Tacliin ee Baxay 14 July 2016.

New York, September 24, 2013 – Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud iyo wefdi balaaran oo uu arkacayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka furmayo shirka gollaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha iyo wefdi ka tirsan dowladiisa oo dhowaantan booqasho ku joogay USA ayaa kulamo kala duwan la qaatay jaaliyada iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka Ohio ee dalka Maraykanka, halkaas oo ay ku sugnaayeen maalmihii tegay.

Qoraal la dhigay war-baahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan sheikh uu shirka gollaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ka jeedin doono khudbad dheer oo uu kaga waramayo Soomaaliya iyo dadaallada ay samaysay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo bandhigaya baahida ay Soomaaliya qabto wakhtigan si ay dib ugu soo noqoto mansabka dowladaha aduunka, kadib 22 sano oo ay bur bur iyo xaalado siyaasadeed oo cakiran madaxa kula jirtay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: