MAANHADAL: Daryeelka deegaanka iyo doorka ganacsatada Puntland (dhegayso)

HomeWararkaMAANHADAL

MAANHADAL: Daryeelka deegaanka iyo doorka ganacsatada Puntland (dhegayso)

Barnaamijka MAANHADAL waxa uu maanta diiradda saarayaa daryeelka deegaanka iyo doorka ganacsatada Puntland si loo badbaadiyo deegaanka Soomaaliyeed ee

DHAGAYSO:Doodda Maan-Hadal oo ku Saabsan Wada-hadalladii Fashilmay ee Garowe
TALOKEEN: Talooyin ku saabsan Amniga (dhegayso)
MAANHADAL: Arimaha Doorashada Aqalka Sare (dhegayso)

Barnaamijka MAANHADAL waxa uu maanta diiradda saarayaa daryeelka deegaanka iyo doorka ganacsatada Puntland si loo badbaadiyo deegaanka Soomaaliyeed ee maanta qarka u saaran nabaadguur. Badbaadinta deegaanku waa badbaada xoolihii deegaanka ku tiirsanaa si ay deegaanka uga helaan nacfi ay ku noolaadaan. Taas haddii lagu guulaysto waxa ay suurtagalinaysaa in dadkii deegaanka nabaadguurinayey (ha ka warqabeen ama yaysan ka warqabin e) ee haddana asaaska noloshoodu tahay xoolaha nool ayana loo badbaadin lahaa, ayaga dhexdoodana loo kala badbaadin lahaa.

Khataraha baaxadda leh ee maanta haysta deegaanka Soomaaliya, siiba Puntland, waxaa ugu horreeya bacaha oo dhibkoodana joogto loo arko, ha ahaato geed baco qalajiyeen (arag masawirka kore) ama neef nool oo inta bac uu cuney sida geedkii u qalalaya oo bacdii ay caloosha maroojisay.

Haddaba maadaama doorkii dowladeed uu gaabis yahay, suurtagal ma tahay in ganacsatada oo kaashneysa dowladda ay ganacsi faa’iido leh ka hesho badbaadinta deegaanka? Su’aashaas ayaan maanta ku falaanqaynaynaa barnaamijka Maanhadal, waxaana marti noogu ah masuuliyiinta maamulka Shirkadda Salladaha ee BADBAADO.

Hoos kaga bogo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: