HomeUncategorized

Maamulka degmada Qandala oo shaaciyey in biyo-yaaran daran ka jirto degmadaas (Dhegeyso)

Qandala, September 10, 2013 - Degmada Qanadal ee gobolka Bari waxaa laga soo sheegayaa biyo la?aan baaxad leh oo saamaysay nolosha dadka iyo duunyada, xili dhowr jeer ay soo noq noqotay biyo la?aanta.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo eedayn ujeediyey S/land.
Magacyada qaar kamid ah madaxda lagu casuumey caleema saarka Farmaajo.
Madaxweynaha oo bogaadiyay hawlgallada caalamiga ee ka hortagga hubka sida sharci-darrada ah loo soo gelinayo Soomaaliya

Qandala, September 10, 2013 – Degmada Qanadal ee gobolka Bari waxaa laga soo sheegayaa biyo la?aan baaxad leh oo saamaysay nolosha dadka iyo duunyada, xili dhowr jeer ay soo noq noqotay biyo la?aanta ka jirta Qanadala.

Wararka aan ka helayno degmada ayaa sheegaya in uu biyo-yareeyey ?ceelkii ugu weynaa ee degmada, kaas oo dadka degmada iyo kuwa reer guuraaga ah ee miyiga ay biyaha ka cabi jireen.

Gudoomiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamed Khuurshe ayaa sheegay in biyo la?aanta degmada ka jirtay ay sabab u yihiin abaaro xoog leh oo degmada ka jiray bilihii xagaaga iyo xataa wakhtigii Gu?ga.

Dhowr jeer oo hore ayaa degmada Qandala waxaa ka soo baxay warar sheegaya in xaalad biyo la?aan ay ka jirto degmada, xaaladaha caafimaadka iyo nolosha qoysaska ayey saameyn xun ku reebtay xaaladan ka jirta degmada.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Gudoomiyaha Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe ayaa Daljir uga warbixiyey xaalada biyaha

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: