HomeUncategorized

Warfaafinta Soomaaliya oo ku baaqday in la baaro rag hubaysan oo saaka dilay Eng. Axmed Shariif

Muqdisho, August 17, 2013 - Kooxo hubeysan ayaa saaka ku dilay degmada Shibis ee Muqdisho, Eng. Axmed Shariif Xuseen oo ahaa madaxa farsamada warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Laamaha amniga Caabud-waaq oo degniin u jeediyey dadka hubka sharci darrada ah qaata (Dhegeyso)
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.
Xasan Shekh iyo Banki-Mon oo Addis ku kulmay

Muqdisho, August 17, 2013 – Kooxo hubeysan ayaa saaka ku dilay degmada Shibis ee Muqdisho, Eng. Axmed Shariif Xuseen oo ahaa ?madaxa farsamada warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Eng. Axmed marka la dilay waxaa uu ka soo baxay gurigiisa, wararku waxay sheegayaan in uu ku socday xaruunta shaqada oo ah warbaahinta dowladda, lamana oga ilaa hadda dilkiisa cida ka dambaysa.

Wasaarada warfaafinta ee dowladda Soomaaliya ayaa aad? u canbaaraysay dilka marxuumka, wasiir ku xigeenka wasaaradaas Cabdishakuur cali Mire, ?wuxuu ku baaqay in baaritaan dheer lagu sameeyo cidii dilkiisa ka dambaysay.

Mudane Mire wuxuu u tacsi u diray Eng. Axmed iyo ehelkiisii, goor dhow ayaa la filayaa in lagu aaso meydka Marxuumka Muqdisho.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0