Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo QM ugu baaqay in cuno qabataynta hubka la qaado

HomeWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo QM ugu baaqay in cuno qabataynta hubka la qaado

Khudbadda uu ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayuu diirada ku saaray dhinacyada amniga, siyaasada, Dhaqaalaha iyo horumarada dowlad

Al-Shabaab oo si kulul uga hadlay War kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Madaxweynaha DDSI Mustafe Cagjar ” Cadaalad in lamariyo ayaan kutalin laa Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar

Khudbadda uu ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayuu diirada ku saaray dhinacyada amniga, siyaasada, Dhaqaalaha iyo horumarada dowladda gaartay

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo shirka ku matalaya Madaxweyne Farmaajo, isla markaana khudbadiisa ka jeediyay ayaa sheegay in muhiim ahay in dowladda Soomaaliya lagu taageero dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in si Al-Shabaab looga adkaado loo baahan yahay in laga qaado cunaqabateynta hubka.

Sidoo kale Wasiir Cawad ayaa sheegay in dhalinyarada aanay xilligan ugu biirin Al-Shabaab sidii hore, sidoo kale waxaa uu xusay in dhalinyaro badan ka faa’ideysteen cafiskii dowladda oo ay isa soo dhiibeen sida uu yiri.

Khudbadiisa ayaa waxaa uu sidoo kale ku soo hadal qaaday horumarada ay gaartay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: