Wasiir Beyle:”Soomaaliya waxaa lagu leeyahay 4 bilyan iyo bar oo Dollar oo deyn ah”

HomeWararka

Wasiir Beyle:”Soomaaliya waxaa lagu leeyahay 4 bilyan iyo bar oo Dollar oo deyn ah”

Wasiirka wasaarada maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in lacagta  deenta ah ee lagu leeyahay Soomalaiya ay tahay   Afar Bil

Baydhabo: Koonfur Galbeed oo Magacaawday Guddi Baarlamaan ee doorashada Aqalka Sare
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
RIYADII RUMOOWDEY EE DEKEDDA GARACAD | GAALKACYO ILLAA GARACAD

Wasiirka wasaarada maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in lacagta  deenta ah ee lagu leeyahay Soomalaiya ay tahay   Afar Bilyan iyo Bar .

Wasiirka  Beyle ayaa sheegay inay dowlado dhowr ah ay u yimmaadeen una sheegeen inay Soomaaliya ku leeyihiin deymo balse ay uu sheegeen in ay u direen caddaymo muujinaya saxiixyadii dowladdii hore ee Soomaaliya, maaddaama uu dalku ka dhacay bur-bur, islamarkaana uusan jiri keyd loo noqdo.

Waxa uu xusay inay dowladaha qaarkood ku guul darraysteen in ay keenaan caddeymo dhab ah oo lagu qanci karo, taas oo keentay inay ka jaraan kharashaadkii ay sheegteen, waxayna hadda lacagta deynta ah ka dhigeysa 4 Bilyan iyo bar Dollar, halka ay markii hore ka ahayd 5 Bilyan iyo Bar.

Wada hadallada deymaha caalamka looga cafinayo Soomaaliya ayaa dhamaanaya marka la gaaro bisha May ee sanadka soo socda 2019.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: