MARTISOOR: Abdusalam Salwe iyo falaanqaynta marxaladda kalaguurka Puntland (dhegayso)

HomeWararkaMARTISOOR

MARTISOOR: Abdusalam Salwe iyo falaanqaynta marxaladda kalaguurka Puntland (dhegayso)

Barnaamijka Martisoor ee Radio Daljir waxaa todobaadkan marti noogu ah Md. Abdusalam Maxamuud Jaamac "Salwe" oo bartay cilmiga dhaqaalaha iyo hormarin

Dr. Saleebaan Ciise (Xaglatoosiye) ayaa marti ku ah barnaamijka MARTISOOR ee warbaahinta Daljir
MARTISOOR & Maxamed Xayir | Waayihiisii siyaasadda, maanta & Puntland & waxa laga filan karo Deni
MARTISOOR: Musharax Madaxweyne Puntland Prof: Cabdirsaaq Janna Galle iyo Waxqabadkiisa Puntland (dhegayso)

Barnaamijka Martisoor ee Radio Daljir waxaa todobaadkan marti noogu ah Md. Abdusalam Maxamuud Jaamac “Salwe” oo bartay cilmiga dhaqaalaha iyo hormarinta bulshada, marna soo noqday Xoghayaha Guud ee xafiiska Raysal Wasaare Cumar Cabdirashid, xilligii dawladdii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Md. Abdusalam Salwe ayaa barbaamijkan si durugsan ugu falanqaynaya marxaladda kalaguurka ah ee uu wajahayo maamulka Puntland, oo taas ka sokow e ay Puntland oo 20 sano jirsatay hadda la isu diyaarinayo doorasho aan dadweynuhu ku qanacsanayn.

Arrimaha uu sida gaarka ah u taabanayo Md. Salwe waxaa ka mid ah duruufihii lagu asaasay maamulka Puntland, mabaadii’dii loo asaasay, madaxdii soo martay iyo mid walba illaa heerka uu ka mirodhaliyey mabaadii’daas.

Waxa kale oo uu Salwe sharraxayaa oo waxbakamajiraan ku tilmaamayaa “meertada” Puntland iyo in madaxweynuhu uu ka yimaado beel gaar ah oo kamid ah beelaha Puntland.

Hoos kaga bogo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: