Shirkii Golaha Wasiiradda Puntland Maxaa looga hadlay Maanta ?

HomeWararka

Shirkii Golaha Wasiiradda Puntland Maxaa looga hadlay Maanta ?

Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay

Xaliimo yarey: “Nooma Muuqdaan Xisbiyo U Diyaar Garoobaya Doorasho”
Madaxweyne Deni “Reer Puntland dulqaadkii waa ka dhamaaday maamulka Hargeysa wuxuu heli doonaa wuxuu naga raadinayo (daawo)
MASAR: 32 Qof oo ku dhintay shil Tareen

Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimaha kala ah Amniga dalka, xeerka Wada Marista Puntland Iyo Warbixino kale.

Xaaladda Amniga Dalka:

Wasaaradda Amniga oo uga warbixisay Golaha Xukuumada Dowladda Puntland guud ahaan xaalada nabadgelyo ee dalka ayaa sheegtay in si buuxda leysugu haleyn karo amaanka dalka isla markaana ay socdaan howl galo baaxad leh.

Sidoo kale Golaha Xukuumada Dowladda Puntland oo ku dheeraaday xaalada amniga dalka ayaa bogaadiyey howl galada amniga lagu sugayo ee ka socda xuduudaha iyo magaalooyinka waaweyn gaar ahaan kuwa lagu raad goobayo qaswadayaasha handadaya birima gey’dada, xoriyada hadalka, nafta, maalka iyo shacabka aan waxba galabsan.

Xeerka Wada Marista Puntland:

Golaha Xukuumada Dowladda Puntland ayaa si xeel dheer uga dooday Xeerka Wada marista Puntland oo Golaha Xukuumadda loo qeybiyey ayna soo diyaarisay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka Dowladda Puntland.

Xeerkaan ayaa ka jawaabaya baahiyaha isu socodka dalka gaar ahaan astaynta calaamadaha wadooyinka, nabadgeliyada guud, tayada wadooyinka, gaadiidka, iyo shuruucda qaadashada aqoonsiga wadista gaadiidka. Golaha ayaa soo jeediyey in kulanka xige ee golaha xukuumada lagu meel mariyo Xeerka Wada Marista Puntland.

Warbixino:

Ugu danbeyn, Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisey mashruuc bilaasha oo wax looga qabanayey dadka faruuran ayna ka faa’iideysteen 314 mawaadin oo ka kala yimid guud ahaan Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: