Shirkii Golaha Wasiiradda Puntland Maxaa looga hadlay Maanta ?

Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimaha kala ah Amniga dalka, xeerka Wada Marista Puntland Iyo Warbixino kale.

Xaaladda Amniga Dalka:

Wasaaradda Amniga oo uga warbixisay Golaha Xukuumada Dowladda Puntland guud ahaan xaalada nabadgelyo ee dalka ayaa sheegtay in si buuxda leysugu haleyn karo amaanka dalka isla markaana ay socdaan howl galo baaxad leh.

Sidoo kale Golaha Xukuumada Dowladda Puntland oo ku dheeraaday xaalada amniga dalka ayaa bogaadiyey howl galada amniga lagu sugayo ee ka socda xuduudaha iyo magaalooyinka waaweyn gaar ahaan kuwa lagu raad goobayo qaswadayaasha handadaya birima gey’dada, xoriyada hadalka, nafta, maalka iyo shacabka aan waxba galabsan.

Xeerka Wada Marista Puntland:

Golaha Xukuumada Dowladda Puntland ayaa si xeel dheer uga dooday Xeerka Wada marista Puntland oo Golaha Xukuumadda loo qeybiyey ayna soo diyaarisay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka Dowladda Puntland.

Xeerkaan ayaa ka jawaabaya baahiyaha isu socodka dalka gaar ahaan astaynta calaamadaha wadooyinka, nabadgeliyada guud, tayada wadooyinka, gaadiidka, iyo shuruucda qaadashada aqoonsiga wadista gaadiidka. Golaha ayaa soo jeediyey in kulanka xige ee golaha xukuumada lagu meel mariyo Xeerka Wada Marista Puntland.

Warbixino:

Ugu danbeyn, Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisey mashruuc bilaasha oo wax looga qabanayey dadka faruuran ayna ka faa’iideysteen 314 mawaadin oo ka kala yimid guud ahaan Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com