Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM oo sheegay inay Duqayn ku dileen shabaab

HomeWararka

Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM oo sheegay inay Duqayn ku dileen shabaab

Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa wuxuu sheegay Duqeyn dhacday gelinkii dambe ee shalay inuu ku beegsaday xubno ka tirsanaa Al Shabaa

Ra’iisul Wasaaraha oo maalinta Arbacada si rasmi ah ufuri doona Shirka Dhuusamareeb
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi (Dhegayso)
Maxaa ka dhacay Sool maanta oo kale sanad ka hor? Caaqil Cabdirisaaq Falaalug ayaa ka hadlaya

Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa wuxuu sheegay Duqeyn dhacday gelinkii dambe ee shalay inuu ku beegsaday xubno ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa meel 46-KM Waqooyi bari ka xigta magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Mareykanka ayaa waxa uu sheegay weerarkaan uu ku dilay 2 nin oo ka tirsanaa Al Shabaab, islamarkaana aanay jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan.

“Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadeen Xagjirinta Al-Shabaab meel 46-KM Waqooyi Bari ka xigta magaalada Kismaayo, waxaan ku dilnay 2 Argagixiso.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska (AFRICOM).

Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka kooxaha ka dagaalama Soomaaliya sida kooxda Daacish iyo Ururka Al Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah dalka, kuwaasi oo dagaal kula jira dowladda federaalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: