Puntland oo Warsaxafadeed kasoo saartay Gumaadka lagu hayo shacabka Laascanood

HomeWararka

Puntland oo Warsaxafadeed kasoo saartay Gumaadka lagu hayo shacabka Laascanood

Dawladda Puntland waxay ka xun tahay Ardeydii 20-kii August ay ciidamo ka amar qaata maamulka Soomaaliland ku xasuuqeen magaalada Laascaanood, waxaa

Kulan wadatashi ah oo kadhacay Xarunta wasaaradda qorsheynta Puntland ee Garoowe
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo sheegay inaan Xilka Laga Qaadin (dhegayso)

Dawladda Puntland waxay ka xun tahay Ardeydii 20-kii August ay ciidamo ka amar qaata maamulka Soomaaliland ku xasuuqeen magaalada Laascaanood, waxaana isla goobtaas ku geeriyooday labbo ardey oo kala ah Alle ha-u-naxariistee Marxuum Shaafici Cabdi Goox iyo Marxuumad Barwaaqo Cabdirashiid Warsame, sidoo kale waxaa dhaawac halis ah soo gaaray ardey kale, iyadoo ay horey Isbitaalada u yaaleen shacab lagu soo wax-yeeleeyey Laascaanood oo ay ka mid tahay dhibane Sacdiyo Xirsi Maxamed iyo shacab kale oo badan.

Haddaba Dawladda Puntland waxay ka digeysaa weerarada, dilalka iyo tacadiyada sida joogtada ah loogu hayo dadka rayidka ah ee ku nool Gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood.

Dawladda Puntland waxay ka xun tahay sida Hay’addaha u xilsaaran illaalinta xuquuqda aadamaha ay uga aamusan yihiin tacadiyadaas joogtada ah ee lagu hayo shacabkaas aan waxba galabsan.

Dawladda Puntland waxay u’sheegaysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo Urur goboleed IGAD in xukuumadda Muuse Biixi ay xasuuqa shacabka aan waxba galabsan ee Gobolka Sool uga golleedahay madax furasho siyaasadeed iyo cabsi-gelin bulsho si loo dhantaalo midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn, Dawladda Puntland waxay u’sheegaysaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed in Gobolka Sool uu ka jiro dil, barakacin, iyo cabudhin joogto ah oo lagu hayo shacab aan waxba galabsan, taasoo reebi-doonta cawaaqib xumo saameyn ku yeelan-doonta dhammaan geyiga Soomaaliyeed

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: