Axmed Madoobe oo ka hadlay Taliyaal DFS ka tirsan oo lagu xayiray Garoonka kismaayo

HomeWararka

Axmed Madoobe oo ka hadlay Taliyaal DFS ka tirsan oo lagu xayiray Garoonka kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay Taliyeyaashii dowladda Soomaaliya ay u Magacow

Dowladda Kenya oo sheegtay in Saraakil Katirsan Shabaab inay dileen
Warka Fiidnimo iyo Faadumo dagan, Daljir Bosaaso (dhegayso)
MARTISOOR: Geerida AUN Fananad Sahro Axmed Jaamac & Taarikhda Fankeeda (dhegayso)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay Taliyeyaashii dowladda Soomaaliya ay u Magacowday Ciidamada Jubbaland ee NISA ee lagu xayiray garoonka Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay nasiib daro weyn tahay in dowladda Soomaaliya ay qeyb ka noqoto Amnidaradda dalka ka jirta.

Waxaa uu sheegay in Taliyeyaasha aan lagala tashan Jubbaland, taasina ay ka horimaanayso heshiiskii ay horay u wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha waxaa uu aad u dhaliilay hanaanka shaqadda dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in aysan xiriir laheyn maamul goboleedyadda.

Sida uu qorshaha yahay Jubbaland ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa ay ku soo celineysaa Saraakiil ka tirsan NISA oo shalay un gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay garoonka Kismaayo ka qabteen Cali Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim oo kala ah Taliye iyo ku-xigeenkiisa oo dowladda Soomaaliya dhawaan ay u magacawday inay ka hawlgalaan degaanada Jubbaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: