Saraakisha Ciidanka DFS oo kormeeray baraha kontarool Muqdisho (Sawiro)

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir iyo Saraakiil kale ayaa xalay waxa ay kormeero kedis ah ay ku mareen dhammaan baraha kontarool ee laga soo galo magaaladda Muqdisho iyo qaar ku yaalla gudaha Caasimada.

Kormeerka ayaa waxa uu ka bilowday degaanka Gubadley, waxaana Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta ay mareen goobo ay kamid ahaayeen Shineemo Cabdi waayeel, Ex-Kontarool Balcad, Ceemiska, Carafaad, Qabuuraha Barakaat, Deyniile, Tareedisho, Ex- Kontarool Afgooye iyo Kaxda, kuwaasi oo fadhiyo iyo Baro Kontarool ay u tahay Ciidanka ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac (Keynaan) ayaa Ciidankii ku sugnaa goobihii ay kormeerka ku sameeyeen waxa ay ku boggaadiyeen shaqada adag ee ay hayaan, iyaggoo kula dardaarmay inay dardar geliyaan hawsha Qaranka ay u hayaan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com