Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqaalaha

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeeray wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta d

A letter to My beloved Somalia
MARTISOOR: Xadgudubka Kenya iyo Xaldoonka Soomaaliya (dhegayso | daawo)
Cabdibare: ” Shirka Muqdisho waxaan ka filaynaa natiijo umadda somaliyeed dan u ah inay ka soo baxdo” (Daawo)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeeray wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa kulan xog wareysi ah la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kormeerka Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre uu ku tegay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in uu xog badan ka siiyay heerka uu marayo dhaqaalaha dalka, kobaca dhaqaalaha, qiimaha maciishadda kala duwan ee dalka, qorshaha qaranka, mashaariicda kala duwan ee ka socda dalka, wax soo saarka dalka (GDP), maalgashagiga dalka, fursadaha iyo caqabadaha jira, iyo dhismaha golaha dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray xafiisyada wasaaradda waxa uuna mid mid u waraystay agaasimayaasha waaxyada kala duwan iyo shaqaalaha wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta, waxa ayan uga warbixiyeen shaqada ay qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee dawladda si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 6 years ago

    MAXAA QORSHEYN AH?. KKKKK.
    IN KA BADAN 150 COMPANY BAA XERADA XALANE DEGEN WAZAARADA QORSHEYNTA & MAALGASHIGUNA WARBA KAMA HAYSO!.
    IIDHEH BAY HAYAAN, SHACABKUNA WUU HURDAA.
    (DAL NINKIISII BAA ISKA LEH)

DISQUS: