Hub xildhibaano katirsan baarlamaanka loo dhiibay oo gacanta u galay A-shabaab

HomeWararka

Hub xildhibaano katirsan baarlamaanka loo dhiibay oo gacanta u galay A-shabaab

Maamulka Jubaland ayaa warqad u qoray dowladda dhexe ee faderaalka ah ee Soomaaliya, waxaana uu kusoo bandhigay wada shaqayn xummo hay'adaha ammaanka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Puntland ugu hambalyeeyay doorashada xubnaha Aqalka Sare
Xildhibaanada baarlamaanka 2aad Hirshabelle oo lagu xirey lacag si loo siiyo Kaarka Aqoonsiga
Dowladda Puntland: “Waxaan Garabtaaganahay Sacuudiga iyo Imaaraadka; DFS waa in ay Mowqifkeeda Badasho”

Maamulka Jubaland ayaa warqad u qoray dowladda dhexe ee faderaalka ah ee Soomaaliya, waxaana uu kusoo bandhigay wada shaqayn xummo hay’adaha ammaanka ee dowladda faderaalka iyo Jubaland.

Qodobada kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa ka mid ahaa:

1- In la baabi’yay heykalkii xiriirka iyo Taliska ee ka dhaxeeyay guutada 43-aad iyo hogaanka Ciidamada xoogga dalka ee SNA,

2 – Magacaabista Taliye cusub degmada Ceel-Waaq, halkaasi oo aan horey u lahayn saldhig Military, iyadoo aan ka warheyn islamarkaana lagala tashan taliska guutada 43-aad ee ka howlgala Jubbaland,

3 – In hub iyo saanad Ciidan ay Xildhibaanno katirsan labada golle ee Baarlamaanka Federaalka [Gollaha shacabka iyo Aqalka Sare] ay geeyeen degmada Ceel-Waaq, kaasi oo ku dhacay gacanta Al-Shabaab,

4 – In Taliska SNA oo jahwareer ka abuuray deegaanka Sanguuni, halkaasi oo ciidamada difaaca hore uga jiray la siiyay amaro is-khilaafsan oo sababay inay guul-dareysteen, islamarkaana Al-Shabaab la wareegto saldhigooda, oo ka qaadatey hub iyo agabkii ay ku howlgalayeen,

5 – In Taliska SNA uu ka abuuray deegaanada Jubbaland xaalad kalsooni darro, oo keeni karta colaad u dhaxeysa beelaha wada deggan, taasoo dib usoo nooleyn karta dagaalkii Sokeeye,

6 – Tallaabooyinka Taliska SNA ayaa hakad gelisay, xadiday sidoo kalena siyaasadeysay saanadii Ciidamada ku sugan Jubbaland xilli ay 33 goobood ay kala dagaalamayaan cadowga Al-Shabaab,

7 – Gollaha amaanka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay soo-jeedinta gudiga amniga iyo nabada Ururka Midowga Africa ee ah in la baabi’iyo qeybta 6aad ee howlgalka AMISOM, oo baahi ka badan markiii la abuuray hadda loo qabo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: